Dowladda Soomaaliya oo wararka sheegaya in Al-shabaab soo codaatay wadahadal

0

Lataliyaha dhanka amniga qaranka ee madaxweyna dowladda Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa beeniyay in Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal, waxaana xusid mudan in shalay uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim in kooxda Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal.

“Dowladda waxaa ka go’an la dagaalanka kooxda Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jurno, waxaana la marin doona qofki shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Xuseen Macalin Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray Lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab qudheeda ay beenisay wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay wadahadal.

SHARE

LEAVE A REPLY