Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay khasaaraha dagaal culus oo Saakay ka dhacay Yasooman

0

War saxafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan maleeshiyada Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Kooxda ayaa ka hortagay weerarka nafla caariga ah waxaana ay ku dhufteen dharbaaxo kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan Shabaab ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta lagu jiray hawlgalka ciidankeena geesiyaasha ah waxaa ka shahiiday 3 askari, kooxihii khawaarijta ee weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen.

Ciidanka oo ku daba jira firxadka maleeshiyadii weerarka soo qaaday ayaa gaaray deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km waxaana ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada Al-shabaab oo dhammaan lagu jabiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan loogana dilay maleeshiyaadkii ugu badnaa.

SHARE

LEAVE A REPLY