Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalo ka dhacay duuleedka Dhuusamareeb

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa warsaxafadeed kasoo saartay dagaalo ka dhacay deegaanada Sinadhaqe iyo Labidulle oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalo ka dhacay deegaanka Sinadhaqa iyo labidulle ciidanka xoogga dalka ay ku dileen 15 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanadaasi.

Warsaxafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Alshabaab ay isku dayeen in ay dib u qabaadaan Saldhigyo ciidamada dowladda maalmo ka hor Shabaab ka saareen, waxaana sidoo lagu xusay Warsaxafadeedka inuu gabaabsi yahay waqtiga ay haystaan dhalinyarada la qalday ee la dagaalamaya ciidanka xoogga dalka iney isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Hoos ma akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

SHARE

LEAVE A REPLY