Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay horjooge ka tirsan Shabaab

0

Howlgalka lagu soo qabtay Sarkaalkaan ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaah Guutada Afaraad Korneyl Saneey  iyo Saraakiil kale, wuxuuna ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta Amniga degaannadii laga saaray Al-Shabaab.

Maxamed Jeelle Jarasow oo ah Sarkaalka Ciidamada dowladda ay soo bandhigeen ayaa sheegay in uu Al-Shabaab la Shaqeeynayay muddo 10 sano ah, isla markaana uu u qaabilsanaa u aruurinta lacagaha Sakawaadka ay u yaqanaan, isaga oo sheegay in uu soo dhaweeynayo howlgallada ka socda gobolka Sabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in intii ay howlgallada wadeen gacanta ku dhigeen Xubno badan oo la Shaqeeynayay Ururka Al-Shabaab, isaga oo sheegay in howlgallada sii socon doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo guud ahaan degaannada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Tan iyo markii Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ay howlgallada ka bilaabeen Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY