Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ku dhawaad 30 dagaalame Al-shabaab looga dilay deegaanka Juxaay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal iyo duqeyo culus oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Juxaay oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka iyo duqeymaha is barbar socdeen ayna iska kaashadeen ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaaanka iyo saaxibada Caalamiga ah.

Taliye Biixi ayaa xaqiijiyay in howlgaladaasi ay ciidamada dowladda, kuwa dadka deegaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah iney ku dileen 28 ka mid ah dagaalayahanada kooxda Shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Juxaay oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe” ayuu yiri Taliyaha ciidanka Lugta Maxamed Tahliil Biixi.

Wuxuu sidoo kale sheegay taliyaha ciidanka Lugta Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi in Al-shabaab ay ku jabeen howlgalada culus ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee ka socda inta badan gobolada dalka.

“Khawaarijta ayaa aad ugu jabay howlgallada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanku ka wadaan dhul ballaaran oo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana ay ku waayeen maleyshiyaad fara badan iyo horjoogeyaal muhiim u ahaa” ayuu yiri Taliye Biixi.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxaa si dardar leh uga socda howlgalada ka dhan ah Ururka Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY