Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Shabaab

0

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalo qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibadda Caalamiga ah iney ku dileen 17 ka mid ah dagaalyahanada shabaab oo ay ku jiraan laba horjooge.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya laguma cadeynin in howlgalka lagu dilay 17 ka xubnood ee Shabaab ka ahaa iney aheyd duqeyn ama toogasho midkood, mana aysan sheegin magacyada labada horjooge ee lagu dilay howlgalka oo ka dhacay sida qoraalka lagu sheegay meel u dhaw deegaanka Xawaadleey oo ay isku aruuraanayeen.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya howlgaladii ugu dambeeyay ee todobaadkan dhacay ay ku dileen in ka badan 150 dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-

SHARE

LEAVE A REPLY