Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 25 ka mid ah Shabaab

0

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegtay in nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgalo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya, kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, ciidanka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamiga ah.

Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu si gaar ah uga socdo Beerta Sheekh Qaasim oo ku taala Tuulada Dhagaxoow oo hoostagta deegaanka Xaawaadleey oo shalay uu ka dhacay weerar khasaare geystay oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka socda lagu dilay 25 xubnood oo ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana laga soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

Aroornimadii hore ee Shalay ayay aheyd markii deegaanka Xawaadleey kooxda Shabaab ay ku qaadeen weerar ku bilaawday sadax gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Taliyahii guutada 3-aad qeybta 27-aad Korneel Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey.

SHARE

LEAVE A REPLY