Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 61 ka mid ah Al-shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada NISA iyo kuwa caalamiga ah lagu beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Xawaadley ee ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay ugu yaraan 61 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, xilli ay isku uruursanayeen halkaasi.

“Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgalkaasi lagu burburiyay laba gaar oo kala ah Homey iyo Noah oo laga soo buuxiyay qaraxyo kuwaas oo ujeedka ahaa in la soo geliyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka soo baxay.

“Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojiganyihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgallo culus ka waday gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.

SHARE

LEAVE A REPLY