Dowladda Soomaaliya oo shaacisay iney si buuxda ula wareegtay gacan ku heynta degmadii ugu dambeysay ee Hirshabeelle

0

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw xaqiijisay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caandood oo shirjaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada is garabaanaya aroornimadii hore ee Saakay gacanta ku dhigeen degmada Ruunirgood oo aheyd degmadii ugu dambeysay ee Hirshabeelle oo ku jirtay gacanta shabaab.

“Howlgalka ka socday degmada Ruunirgood iyo nawaaxigeeda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa kacdoonka dadweyne waxay ku dileen ugu yaraan 150 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 15 maxaabiis ah lagu soo qabtay, waxaana sidoo kale lagu howlgalka 5 xubnood oo ajaanib ah, haatana ciidamada ayaa si buuxda gacanta ugu haayo degmadii Ruunirgood” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdullaahi Cali Caanood.

Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya in ciidamada is garabaanaya ee gudaha u galay degmada iney wadaan howlo miino baaris, halka qaar kalana ay baacsi kusii hayaan ciidankii Shabaab ee isaga cararay degmada.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada Hirshabeelle ay guuleysteen oo guud ahaan degmooyinkii Hirshabeelle Al-shabaab laga saaray, marka laga reebo deegaanada galbeedka gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo uu sheegay in dhawaan laga saari doona, islamarkaana ay ciidamada u gudbi doonaan dowlad goboleedyada kale ee dalka.

“Mar dhow waxay ciidamada u gudbi doonaan dowlad goboleedyada kale oo ay howlgalladu ka bilaaban doonaan, halkaas oo loo diyaariyay cutubyadii dagaalami lahaa” ayuu yiri Afhayeenn Caanood.

Ugu dambeyntii ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa gobolada dalka ka wada dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dagaaladaasi Shabaab looga saaray deegaano iyo degmooyin ay ka talinayeen in ka badan 10 sano.

SHARE

LEAVE A REPLY