Dowladda Soomaaliya oo shaacisay iney dishay 60 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo Soomaaliya ayaa saakay howlgal qorshaysan ku dilay 60 ka tirsan Ururka Alshabaab oo ku sugnaa nawaaxiga deegaanka Cali qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada oo ka war helay gaari kooxda u siday hub iyo maleshiyaad hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu dilay 60 ka tirsan Ururka islamarkaana ciidanka ay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen kooxda iyo labo gaari.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid dhabagal ah oo horay looga bartay fulintiisa kooxda Al-shabaab oo caan ku aheyd iney wadooyinka u galaan ciidamada dowladda xiliyada ay socdaalayaan.

SHARE

LEAVE A REPLY