Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Xarunta gobolkq Banaadir

0

Ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad ayaa goor dhowayd ku guulaystay inay soo afjaraan kooxdii Alshabaab ee weerarka ku qaadday xarunta gbolka Banaadir.

Maydadka Shabaabkii ka dhex dagaalamayay gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa lasoo bandhigay, kuwaas oo ay ciidamadu dileen, kadib howlgal saacado qaatay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga ay fuliyeen hawlgal lagusoo badbaadinayay masuuliyiinta iyo muwaadiniinta ku go’doonsanaa xarunta iyo soo afjarida kooxda weerarka qaadday oo ka koobnaa 6.

Dowladdu waxay sheegtay inay weerarka ku geeriyoodeen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena way ku dhaawacmeen.

Waxay dowladdu sheegtay in kooxda weerarka fuliyay ay ahaayeen kuwo goobta ku yimid iyagoo lugaynaya iskuna ekaysiiyay Ciidamada Qaranka.

SHARE

LEAVE A REPLY