Dowladda Soomaaliya oo saartay Fariin farxad galineysa dagaalyahanada Al-shabaab

0

Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Kooxda Al-Shabaab in ay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si looga fogaado in la dilo,iyadoo dowladduna ay wacad ku martay in ay kordhin doonto weerarada ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dagaalamayaasha Alshabaab laga caawin doono dhaqan celinta iyo dib loogu soo celiyo bulshada dhexdeeda,islamarkaana aanan waxyeelo gaar ah loo geysan doonin.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay sii wadi doonaan howlgallada lagu ugaarsanayo kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan guud ahaan dalka, iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka, Hadalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada Danab howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Buq-aqable ay ku dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab.

Horraantii todobaadkan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay ka fogaadaan meelaha ay maamulaan Alshabaab ka hor inta aan la qaadin weeraro waaweyn oo ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhinac walba laga hortegi doono, isagoo xusay in lagu qaadi doono weerarro xagga cirka ah oo ay ka mid yihiin duullaanno lagu wiiqayo joogitaankooda Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray dowladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili dagaalamayaasha Al-shabaab labadii todobaad ee ugu dambeysay ay wajaheen kacdoon bulsho oo lagala wareegay deegaano fara badan oo ay awal gacanta ku hayeen Al-shabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY