Dowladda Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro ku dhibateysneyd dalka Libiya

0

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Dib u soo celinta Muhaajiriinta iyo Carruurta ee Dowladda Soomaaliya, ayaa maanta dalka dib ugusoo celiyey 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan oo Magafe ka soo baxsaday, ka dibna yimid Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan iyagoo la soo xariirey Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Waxaa Garoonka Diyaarradaha ku soo dhaweeyey Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo xubno ka mid ah Xafiiska Ergayga Gaarka ah.

Amb. Maryan Yaasiin oo dedaalkaan soo wadday Illaa iyo 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan isla markaana baadi goob u gashay samo-tabixinta dhallinta ku go’doonsan daafaha caalamka, iyadoo uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac “Huruuse” oo la kulmay dhiiggiisa Liibiya ayaa kala hadlay badbaadada Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirran sidii dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa in muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan isla markaana ku xayiran dalalkaas in ay dalkoodu dib ugu soo celiso,ugu dambeyntii Amb. Maryan Yaasiin ayaa sheegtay in Tahriibku yahay musiibo qaran una baahan in loo helo xal waara.

SHARE

LEAVE A REPLY