Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay khasaaraha ka dhashay howlgalo lagu laayay Shabaab

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal Maanta ka dhacay deegaano ku yaala xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalkii Maanta lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaano u dhaxeeya gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhaxe.

Wuxuu sheegay in ciidanka xooga dalka ay howlgalkaasi ku dileen in ka badan 100 xubnood oo ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid ay kooxdu watay.

“Ciidanka xoogga dalka waxay Maanta beegsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen cadawga Khawaarijta ah waxaana laga dilay 100 dagaalame ka badan, waxaa sidoo kale laga gubay ilaa 7 gawaari oo ay kooxdu watay, weerarka wuxuu dhacay xili ay dhulka howdka ah ku qalanayeen xoolo ay kasoo dhaceen dad shacab ah” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-cadaala.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in howlgalo ka dhacay maalmahii lasoo dhaafay gobolada Baay iyo Jubbooyinka lagu dilay dagaalamayaal badan oo ka tirsan al-shabaab, wuxuuna xusay in howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii socon doonaan.

SHARE

LEAVE A REPLY