Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay khasaaraha ka dhashay diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Osman Egal ayaa ka hadashay shil diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiir Fardowsa oo Qoraal kooban soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay in diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airline ay ku dhacday dhabaha diyaaradaha (Runway Airport), ee  Garoonka Aadan Cabdulle abaare 12:30 duhurnimo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa tilmaamtay in diyaaradda ay la socdeen 30 qof oo rakaab ah oo 4 kamid ah ay yihiin shaqaalaha diyaaradda, waxaana dadkaas ay diyaaradda kasoo qaaday magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xaqiijisay in shilkan diyaaradeed uu sababay dhaawaca 2 qof ma jirto wax dhimasho ah. Baaritaanno ayey sheegtay inay wadaan waax-yaha ku shaqada leh.

Fardowsa Osman Egal ayaa caddeeysay in diyaaradda burburtay aysan la socon Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharkaame iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaasi oo iyaguna kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

“Waxaan u mahadcelinayaa kooxda gurmadka oo si dhaqso ah uga jawaabay shilkan. Allaa mahad leh” ayey tiri Fardowsa Osman Egal Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY