Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay dagaalo culus oo ka dhacay Galgaduud

0

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah gacanta ugu dhigay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo ka badan 15 sano ay Alshabaab maamulayeen.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Col, Cabullaahi Cali Caanood, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ciidamadu xalay magaalada Wabxo gudaheeda iyo bannaankeeda ka sameeyeen howlgal miino baaris ah.

Col, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamadu la wareegeen tuulada Warxoolo iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiggu wuxuu tilmaamay howlgalka lagu xoreeyay Wabxo inuu qeyb ka yahay mid lagu xoraynayo deegaannada Galgaduud ee gacanta ugu jira kooxda Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa 24saac ee lasoo dhaafay ku guulaystay inay xorreeyaan dhul ku fadhiya 200km oo hoos yimaada gobolka Galgaduud.

Waxay hadda ciidamada isku diyaarinayaan magaalada Ceelbuur oo kamid ah deegaannada muhiimsan oo Alshabaab gacanta ku hayaan.

SHARE

LEAVE A REPLY