Dowladda oo sheegtay in xubno ka tirsan shabaab lagu dilay gobolka Sh/dhexe

0

DFS ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen Ciidamadeeda oo ka dhacay Deeganka Buulo Kuuno & deegaanno kale oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku dishay 5 xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo midkood uu yahay sarkaal.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubin kale oo Al-Shabaab katirsan, Hub & Gaari, Dowladdu waxa ay intaas ku dartay in howlgalka uu yimid kaddib markii heleen xogta ragga ay beegsatay.

Ciidamada Dowladda ayaa inta howlgalka uu socday waxa ay adeegsadeen Mootooyinka nooca labada lug leh & Gaadiidka Dagaalka ay wateen, Dowladduse masoo bandhigin Magaca sarkaalka ay sheegtay in ay ka dishay Al-Shabaab.

Deegaannada u dhaxeeya Degmooyinka Balcad & Afgooye waxaa ku kordhay howlgallada ay ka sameynayaan Ciidamada Dowladda Federaalka, tan iyo markii howlgalkaas uu billawday waxaa ka dhashay dhimasho & dhaawac.

Dowaldda Federaalka ayaa howlgallada ka socda deegaannada u dhaxeeya Gobollada Shabeelaha Hoose & Dhexe ku waysay saraakiil kaddib markii ay ku dhinteen qaraxyo & weeraro dhacay, waxaana kamid ah AHUN Taliyihii qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole.

SHARE

LEAVE A REPLY