Dowladda oo sheegtay in la dilay 23 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab

0

DFS ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay deegaanka Danow ee katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed oo ay iska kaashadeen Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS in lagu dilay 23 xubnood oo katirsan ‘AS’.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in xog ay heleen ciidamada Dowladda & ATMIS lagu fuliyay howlgalkaas.

Waxa uu tilmaamay in khasaaraha gaaray ‘AS’ inta la xaqiijiyay geerida xubnaha looga dilay weerarkaas uu yahay 23 xubnood intaasna uu ka badan karo, wixii soo kordha ayuu sheegay in dib kasoo gudbin doonno Dowladda Federaalka.

Taliye Odowaa ayaa intaas ku daray in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Dalka uu xooggeystay, horumar muuqda ayuu tilmaaamay in ay ka gaareen ciidamada iskaashanaya ee Dowladda Federaalka & Dadka deegaanka.

DFS ayaa sheegtay in howlgallada qorsheysan oo macluumaadkooda soo gudbiso Hay’adda Sirdoonka looga hortago duullaanka ‘AS’ ay u qorsheeyeen saldhigyada Ciidamada Dowladda & qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY