Dowladda oo sheegtay in 20 ka mid ah Shabaab ku dishay Shabeellaha Hoose

0

In ka badan 18 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka Nabad Sugidsa iyo saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen deegaanka Sabiid ee gobalka Shabeellaha Hoose.

War saaxafadeed dowladda Soomaaliya kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Alshabaab lagu beegsaday gaari nuuca loo yaqaano Dhaynada iyo geedo hoostooda.

Dowladdu waxay sheegtay in Shabaabka la dilay ay qeyb ka ahaayeen Shabaabkii shalay aroortii weeraray xero ciidanka ku leeyihiin Sabiid.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in dhammaan dagaalamayaashii saarnaa gaariga la beegsaday iyo kuwii kale ee ku jiray dhulka keynta ah lagu laayay howlgalkaan.

Alshabaab ayaa shalay dhankooda sheegay inay la wareegeen deegaanka Sabiid kadib markii ay kusoo qaadeen weerar culus oo qaraxyo ku bilowday.

SHARE

LEAVE A REPLY