Dowladda oo shaacisay iney dishay 30 ka mid ah al-shabaab

0

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo isugu jiray Cirka iyo Dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka waxaa lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan Al-Shabaab waxaana lagu bur-buriyay Gaadiid waday Saanad Ciidan oo kala duwan iyo qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo.

Wuxuu daba socday Howlgalkaan weerar nafla caarinimo ah oo ay saaka ku qaadeen xero ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulamareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.

SHARE

LEAVE A REPLY