Dowladda oo shaacisay iney dishay 30 ka mid ah Al-shabaab

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa fashiliyay isku day weerar oo ay Shabaab ku soo qaaday magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud oo dhawaan laga xoreeyay kooxda.

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula socday dhaqdhaqaaqa iskuna diyaariyay fashilintooda ayaa si xirfad iyo geesinimo leh u kala cayriyay kooxdii halkaas soo weerartay, ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay dowladda.

Inta uu socday hawlgalka fashilintu waxa ay Ciidamada Xoogga Dalka toogteen in ka badan 30 ka tirsan Shabaab soo duulaanka tagtay kuwaas oo ay ka carareen maydadkooda, sidoo kale Ciidamada Qaranku waxa ay gacanta ku dhigeen saddex ka mid ah gaadiidkii ay ku soo duulaan tageen kooxda iyaga oo gubay mid kale.

Saddex ka mid ah Ciidamada Qaranka ayaa ku dhaawacmay hawlgalka kuwaas oo xaaladoodu ay ka soo raynayso ayay lagu yiri warsaxafadeedka dowladda

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa si is daba joog ah waxa ay jab ugu gaysanayeen maleeshiyaadka ah iyaga oo maalinba maalinta ka danbaysa ka xoraynaya dhul hor leh kuna fashilinaya isku dayadooda naf la caariga ah ee ay ku doonayaan in ay iskaga caabiyaan duulaanka Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

SHARE

LEAVE A REPLY