Dowladda oo faahfaahin ka bixisay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Jenaraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgalo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ay Maanta kula wareegeen deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud iyo waliba howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada ay ka sameeyeen gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhaxe.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Maanta si buuxda ula wareegeen deegaanka Qaayib oo uu sheegay in Shabaab ay ku lahayeen Maxkamado waa weyn oo ay uga yeeri jireen dadka ku nool deegaanada gobolada Mudug iyo Galgaduud.

“Cadawga Al-shabaab waxaa Maanta ciidamada iskaashanaya ay kala wareegeen deegaan Qaayib, waxayna cadawga burburiyeen Ceel biyoodkii deegaanka iyo xaruntii isgaarsiinta Hormuud oo ay dadku isticmaali jireen, ka hor inta aysan ka cararin deegaanka” ayuu yiri Jenaraal Caanood.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay shalay dagaal xoogan shabaab kula galeen deegaanka Moora eri ee gobolka Hiiraan, isagoona sheegay in halkaasi shabaab looga dilay ilaa 6 xubnood, islamarkaana ciidanka ay la wareegeen deegaankaasi oo hoostaga degmada Moqokori.

Wuxa uu sidoo kale Afhayeenka uu faahfaahiyay dagaalo culus oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaanka Masjid Cali Gaduud oo uu sheegay in halkaasi ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka guulo ka gaareen.

“Deegaanka Masjid Cali Gaduud waxaa wali ka socda howlgalka lagula dagaalamayo Shabaab, waxaa halkaas ka socda dagaal iyo duqeymo lagu beegsanayo cadawga, deegaanka Masjid Cali Gaduud ayaa Shabaab u ahaa deegaan muhiim u ahaa oo ay Canshuurta uga qaadi jireen gaadiidka Isticmaala gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/dhexe, culeyska ugu badan ee dagaalka waa cadawga oo doonaya in Masjid Cali Gaduud uu ka difaacdo degmada Aadan Yabaal oo ah saldhigooda ugu weyn Sh/dhexe” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Jenaraal Caanood.

SHARE

LEAVE A REPLY