Dowladda Mareykanka oo war cusub kasoo saartay duqeyn lagu dilay hoggaamiye ka tirsan Shabaab

0

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Al-Shabaab, taasoo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib, oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Qiimeynta bilowga ah ee taliska Maraykanka ayaa ah in duqeynta lagu dilay horjooge ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Dowladda Maraykanka ma sheegin magaca sarkaalka lagu dilay duqaynta, balse waxay sheegtay inay macluumaad dheeri ah soo saaridoonto. Balse, dowladda federalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in duqayntan lagu dilay madaxii dacwada Alshabaab Cabdullaahi Nadiir.

Taliska Mareykanka ee Afrika, oo ay weheliyaan la-hawlgalayaasheeda, ayaa sheegay inuu sii wadayo tillaabooyinka looga hortagayo Alshabaab oo qorsheynaya weeraro ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Dowladda Maraykanku waxay sheegtay inay sii wadi doonto tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaaliya si ay u wiiqaan al-Shabaab

SHARE

LEAVE A REPLY