Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ka taageereyso ciribtirka Shabaab

0

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Jabuuti Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalkaas Sakariye Sheekh Ibraahim.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada iyo dadaalka ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay si dhow isaga kaashadaan ciribtirka Alshabaab si loo gaaro nabad, horumar iyo barwaaqo dhex marta labada dal iyo guud ahaan gobolka.

Wasiirka gaashaandhigga Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Jabuuti ay si buuxda u garab taagan yihiin halganka shacabka iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dalka uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay asaas u tahay nabadda gobolka iyo caalamka. Sidaas darteed, dowladda Jabuuti wuxuu sheegay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso la dagaallanka Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY