Dowladda iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha dagaal culus oo Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan, kaasoo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo Ururka Al-shabaab.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkii Maanta ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo iskaashanaya ay Al-shabaab la galeen in jab xoogan lagu gaarsiiyay Shabaab oo looga gubay gaadiid dagaal, islamarkaana dagaalka looga dilay ku dhawaad 40 ka mid ah dagaalamayaashooda.

Dagaalka Ceel qooxle Saakay ka dhacay ayaa la tilmaamay inuu ahaa midkii ugu xoogana ee dhawaanahaan ku dhexmara gudaha gobolka Hiiraan ciidanka dowladda, kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab, waxaana dadka dagaalkaasi ku dhintay ka mid noqday Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa nabadoonada hormuudka u ahaa in Al-shabaab laga saaro deegaano badan oo ka tirsan Hiiraan.

Dhinaca kale Al-shabaab oo dhankooda war kasoo saartay dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Ceel qooxle ee gobolka Hiiraan waxay sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen 20 askari, saraakiil ciidan iyo Nabadoon Cilmi Hagar oo ay ku sheegeen nin dagaal galiye ahaa.

Deegaanka Ceel qooxle oo saakay dagaalka culud ka dhacay ayaa haatan ah mid degan, waxaana wali ku sugan deegaankaasi oo gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi oo qiyaastii 40 KM dhinaca bari kaga beegan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY