Dowladda Congo oo nin Soomaali ah u xirtay weerar ka dhacay dalkeeda

0

Dowladda Congo ayaa xirtay nin Soomaali ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay weerar lagu qaaday kaniisad ku taal waqooyiga gobolka Kivu oo ay ku dhinteen 10 qof maalintii Axadii.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalka Kongo, Ninkan oo Soomaali Kenyan ah ayaa looga shakisan yahay inuu xubin ka yahay kooxda argagixisada ah ee Uganda, Allied Democratic Forces (ADF).

Mas’uuliyiinta Kongo ma aysan shaacin magaciisa markii la xiray Axadii, balse Waaxda Bilayska Kenya ee La-dagaalanka Argagaxisada (ATPU) ayaa Isniintii ku sheegtay inuu yahay C/risaaq Muqtaar Garaad oo 29-jir ah, kaasi oo ka soo jeeda degmada Wajeer ee Waqooyiga Kenya.

Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Kasindi ee Waqooyiga Kivu, una dhow xuduudka Uganda ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 39 qof, sida ay sheegayaan ciidamada Congo (FARDC).

Weerarka ma sheegan kooxaha argagixisada ah, balse militariga Congo ayaa ku xidhiidhiyay kooxda ADF, kuwaas oo hore u weeraray tuulooyin ka tirsan DRC.

Bishii Janaayo 2022, nin kale oo Kenyan ah, Salim Rashid Mohamed aka Chotara, ayaa lagu xiray DRC ka dib bilo ay ku raad joogeen mas’uuliyiinta Kongo oo lala xiriirinayo sheegashada weerarada argagixisada.

SHARE

LEAVE A REPLY