Doorashada golayaasha deegaanka oo maanta ka bilaabatay Puntland

0

Waxaa deegaanada Dowlad Gobaleedka Puntland Saaka si rasmi ah uga bilaabatay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka taas oo guddiga doorashooyinka ay horay shaaciyeen in la qabanayo May 25, 2023-ka.

Doorashada golaha deegaanka ayaa waxa ay ka dhaceysaa soddon degmo oo guddiga doorashooyinka u jaangooyeen in lagu qabto, iyada oo ay ka kala dhacayaan Gobollada; Mudug, Bari, Sanaag iyo deegaano kale oo Puntland ah marka laga reebo gobolka Nugaal oo ay xarun u tahay Garoowe.

Guddiga doorashada ayaa codeyntii halkaas ka dhici laheyd dib u dhigay khilaaf hubeysan iyo rabshado gobolka ka dhacay, iyada oo ciidamo hubeysan oo doorashada kasoo horjeeda ay meelaha qaar la wareegeen sanduuqda codbixinta.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka ay ka dhacayaan doorashada ayaa subaxnimadii hore ee Saaka gaaray goobaha loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada, sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya dadka oo safaf dhaadheer ugu jira sida ay codkooda u dhiiban lahaayeen.

Doorashada golaha deegaanka ee Puntland waxaa ku tartamaya toddobo urur siyaasadeed, saddexda urur ee kuraasta ugu badan ka hela doorashada ayaa loo aqoonsan doonaa xisbiyo siyaasadeed oo rasmi ah.

Toddobada Urur ee tartamaya ayaa kala ah:-

Mustaqbal: waxaa guddomnmiye u ah Maxamed Ismaaciil Siibad oo ka tirsan baarlamaanka Puntland.
Mideeye: waxaa guddoomiye u ah Daahir Xaaji Khaliif, waxaana siyaasiyiinta ku jira ururkan ka mid ah Jen. Asad Cismaan Diyaano.
Kaah: Waxaa guddoomiye u ah Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Sincad: waxaa guddomiye u ah Maxamuud Khaliif Jabiye oo 2019 u tartamay madaxtinimada Puntland.
Runcad: Waxaa guddoomiye u ah Cismaan Gamuure.
Ifiye: waxaa guddoomiye u ah Maxamed Cabdulqaadir
Shaqaalaha: waxaa guddoomiye u ah Cabdirashiid Sheekh Maxamuud.
Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Puntland ayaa dhaliil u jeediyay habraac doorashada, Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Puntland; Cabdiwali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaa Madaxweyne Deni ku eedeeyay doorashada saaka loo dareeray.

Warsaxaafadeed kooban uu soo saaray May 23, 2023-ka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ku bogaadiyay maamulka iyo bulshada Puntland sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.

Dowladda Federaalka weli war kama soo saarin doorashada balse waxa ay ku soo aadeysaa doorashadaan xilli Magaalada Muqdisho uu ka socda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay kawada maqan yihiin Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

SHARE

LEAVE A REPLY