Donal Trump oo ku dhawaaqay inuu is dhiibaayo

0

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu Khamiista nagu soo aaddan ee ah 23ka Agoosto 2023 isu dhiibayo maamulka Gobolka Georgia si loogu soo oogo dacwado la xiriira in uu si sharci darro ah u abaabulay tallaabooyin uu doonayay in uu meesha uga saaro saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday 2020.

Trump ayaa dhowaan lagu soo oogay dacwaddaan balse waa uu ka meer-meeray in uu caddeeyo mowqifka uu ku lahaa is hor istaagga natiijada Gobolka Georgia isaga oo u dambeyn sheegay in in uu diyaar u yahay isu dhiibista Gobolkaas si uu u wajaho kiiskaas culus ee loo heysto.

“Ma rumaysan karaysaan in aan Khamiista aadayo Atlanta, Georgia, si lay xidho” ayuu bartiisa internetka ku soo qoray madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump oo marba marka ka dambeysa wajaha kiisas culus.

Sarkaal katirsan xafiiska Booliiska Degmada Fulton ayaa sheegay in Donald Trump uu isasoo xaadirinayo si uu u wajaho kiiska loo heysto, halka kaalintooda oo ah in ay amniga adkeeyaan ay qaadan doonaan doorkooda.

Waxa uu sarkaalkaan tilmaamay in agagaarka xabsiga weyn ee Degmada Fulton la xiri doonno lana xadidi doono dhaqdhaqaaqa halkaas ka jira si nabadgalyo loogu soo dhammeeyo kiiska la xiriira in uu si sharci darro ah u abaabulay tallaabooyin uu doonayay in uu meesha uga saaro saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday 2020.

SHARE

LEAVE A REPLY