Dolwadda Fedaraalka oo shaacisay in duqeyn laga fuliyay degnmada Jilib

0

Duqayn ayaa ka dhacday magaalada Jilib ee ay gacanta ku hayaan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, sidaasi waxaa tebiyey warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya.

Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in duqaynta lala beegsaday xarunta ururka Al-Shabaab ee Jilib, iyadoo intaas ku dartay inuu khasaare jiro.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in khasaaraha uu isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay, balse lama faah-faahin tirada ama heerka khasaaraha

Hawlgalkan ayaa ahaa mid wadajir ah oo ay wada sameeyeen hay’adaha amniga Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka, sida ay qortay SONNA

SHARE

LEAVE A REPLY