Diyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka mid ah al-shabaab

0

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii Alshabaab ay weerareen ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka meel u dhow magaalada Buulobarde.

Qiimayn kasoo baxday howlgalkan ayuu taliska AFRICOM sheegay in lagu dilay laba kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ah mana jirto dad rayid ah oo ku waxyeeloobay weerarka sida howlgalka Africom uu sheegay.

Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu sheegay inuu sii wadi doono qiimeynta natiijada howlgalka, isagoo tilmaamay inuu bixin doono macluumaad dheeri ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Alshabaab ay damacsan tahay inay weerarto ciidamada Mareykanka oo ay khatar ku noqoto danaha ammaanka Mareykanka.

Waxaa uu sheegay inuu sii wadayo tillaabooyinka looga hortagayo kooxda Alshabab.

Warka kasoo baxay Maraykanka ayaa kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in Alshabaab ay jab xooggan ugu geysatay Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo la sheegay in duqeymo culus ay ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

In ka badan 100 dagaalame oo katirsan Alshabaab ayaa lagu dilay dagaalladii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud, sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta.

SHARE

LEAVE A REPLY