Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo soo riday buufin cabsi ku beertay dowladda Mareykanka

0

site logosite logo
TOOS
Raadi
raadi qoraal

MARAYKANKA
Diyaaradaha dagaal Maraykanka oo soo riday buufin looga shakisan yahay inay basaas u aheyd Shiinaha
2 Saac ka hor
Farah Ali
This photo from Chase Doak taken on Feb. 1, 2023, and released on Feb. 2 2023, shows a suspected Chinese spy balloon in the sky over Billings, Montana.
This photo from Chase Doak taken on Feb. 1, 2023, and released on Feb. 2 2023, shows a suspected Chinese spy balloon in the sky over Billings, Montana.

Arag Fikradaha

WASHINGTON —
Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaartay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka.

Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadan heyn dadweyne, taas oo xumeysay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo ridoyo Arbacadii, laakiin waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa ku talisay in la sugo ilaa inta lagu soo ridi karo biyaha badda, si looga ilaaliyo dadka rayidka ah burburka kusoo dhacaya dhulka iyo hawada ay ku duulaan diyaaradaha rakaabka ah.

“Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Biden.

Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa shidaalka siiya ayaa ka qaybqaatay howlgalkan, laakiin mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X abbaarihii 2:39 duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xiriira cilmibaaris, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka “gabi ahaan si kama’ ah” – sheegashadaas oo ay si toos ah u beeniyeen saraakiisha Mareykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firirka iyo haraaga buufintay uu ku fidday in ka badan toddobo mayl (11 kiilomitir) oo badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ah.

SHARE

LEAVE A REPLY