Diyaarad siday Qaad oo Maanta ku dhacday duuleedka magaalada Caabudwaaq

0

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in barqanimadii Maanta duuleedka magaaladaasi ay ku burburtay diyaarad siday Qaad oo ka duushay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa la sheegay iney qaadka u siday magaalooyinka Caabudwaaq iyo Gaalkacyo, waxaana lasoo wariyay inta aysan ku dagin garoonka Caabudwaaq iney ku burburtay dhul banaan oo ay ku yaalaan geedo yar yar, sida ay muujinayaan sawiro laga soo qaaday halka ay ku dhacday diyaarada.

Sawirada laga soo qaaday goobta ay diyaarada ku dhacday ayaa sidoo kale muujinaayay burbur gaaray mid ka mid ah baalasha diyaarada oo dabadeedna dhulka ku dhufsatay qeybta hore.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaradaan ay ku burburto ama ay ku dhacdo duuleedka magaalada iyo waliba khasaaraha ka dhashay, iyadoo aanan gaarin garoonkii ay ku dagi laheyd ee magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Caabudwaaq oo ku aadan diyaaradaan Maanta ku dhacday duuleedka Magaaladaasi, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ay sheegayaan inay haatan socdaan baaritaano kala duwan oo ay wadaan laamaha ammaanka ee degmada Caabudwaaq oo ka gaaray goobta ay diyaarada kusoo dhacday.

SHARE

LEAVE A REPLY