Diyaarad sida Cutubki koowaad ee ciidanka ku maqna dalka Eretariya oo Muqdisho soo gaartay

0

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay diyaarad siday cutubkii ugu horeeyay ee ka mid ah ciidanka dowlada Soomaaliya ee tababarka ugu maqna dalka Eretariya.

Cidamadaan Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney horudhac u yihiin ilaa Shan kun oo askari oo tababar ugu soo dhaamaday dalka Eretariya oo ay ku maqnayeen muda ku dhaw afar sano.

Ciidamadaan ayaa waxaa dalka Eretariya tababar ugu dirtay dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaana imaatin kooda Muqdisho ay kusoo beegmeysa xili todobaadkaan gudahiisa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in ciidanka Eretariya tababarka ugu maqan kuwooda ug horeeya ay dalka ku soo laabanayaan dhamaadka Bishaan December ee Sanadkaan 2022-ka, islamarkaana bisha koowaad ee sanadka soo socda 2023-ka ay dhamaantood dalka imaan doonaan.

Maqnaashaha mudada dheer qaatay ee ciidamadaan ayaa dood badan ka dhex dhalisay Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda, iyada oo dowladdii hore aysan bixin wax xog ah oo la xariira ciidankaan, taasi oo walaaca kusii kordhisay waalidiinta askartaan oo marar badan sameeyay banaanbaxyo ay ku dalbanayaan in caruurtooda loo soo celiyo.

SHARE

LEAVE A REPLY