Dhimashada dhul gariirka Turkiga iyo Siiriya oo gaartay 30 kun

0

Waxaa sii kordhaya marba marka ka dambeysay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dhul-gariirka baaxadda weyn ee lagu sheegay in uu gaarayay 7.8 Magnitude kuna dhuftay Waddamada Xad-wadaagga ah ee Turkiga iyo Suuriya.

Xukuumadda Ankara ayaa xaqiijisay in ugu yaraan dhankooda ay dhinteen 24,617 ruux waxaana weli socda baadi-goobka Dad xogtooda la waayay balse ugu war dambeysay in ay ku sugnaayeen guryaha dumay.

Dadka dhaawacmay waxaa diiwanka galay 80,278 qof oo intooda badan jab u badan maadaama dhismaha dumay ay ka hoos mareen, xaaladdooda caafimaad ayaa lagu dedaalayaa si daryeel buuxa ay u helaan bukaannadaas.

Dhanka Suuriya, Dowladdu waxa ay xaqiijisay geerida ugu yaraan 3,500 oo ruux halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay, goobaha dhul-gariirku saameynta taban ku reebay waxaa la geliyay xaalad degdeg ah si loo baaro Dadka maqan.

Turkiga & Suuriya marka la isku daro wadarta Dadka ku dhintay Dhul-gariirku waa 28,117 (Labaatan & Siddeed kun, boqol, toban iyo todobo ruux), waxaase lasii saadaalinayaa in dhimashadu intaas ay kasii badan karto.

Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, in ka badan 70 waddan oo caalamka ah ayaa Xukuumadda Ankara ku garab istaagay howsha lagu raadinayo Dadka la waayay ee ku sugnaa dhismaha dumay.

La soco wixii kasoo kordha.

SHARE

LEAVE A REPLY