Dhageysiga Maxkamadeynta Saraakiil ka tirsan dowladda oo Maanta bilaabaneysa

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaawday dhageysiga fadhiga koowaad ee Maxkamadeynta Mas’uuliyiin ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne, taas uu Xafiisk Xeer ilaaliyaha guud uu ku eedeeyay saraakiil ka tirsan qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa fadhiga maanta ku dhageesan doonta saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo Xafiisk Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay in ay lunsadeen hanti dadweyne.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud oo July 6, 2023-ka warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha dowladda, kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, kaddib baaris uu sameeyay Xafiiska Hantidhawraha guud ee Qaranka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in Xafiiskiisa uu maxkamadda Gobolka Benaadir uu u gudbiyay eedeesanayaashaan, kuwaas oo uu sheegay in lagu eedeeyay; Musuqmaasuq, been abuur Document, lunsasho hanti dawladeed, ka faa’iideyso xafiis dowladeed iyo dayacaan iyo gudasho la’aanta wajibaad saarnaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan la hadlay Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in mas’uuliyiinta lagu eedeeyay musuqmaasuq maxkamadeentooda si toos ah loogula socon doona warbaahinta dowladda.

SHARE

LEAVE A REPLY