DEG DEG:- Taliyeyaal ka tirsan ciidanka ATMIS oo xabsi la dhigay

0

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa shaaca ka qaaday in labo taliye oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Labadan taliye oo magacyadooda lagu sheegay Maj Oluka iyo Maj Obbo, ayuu madaxweynaha Uganda sheegay, inay ku amreen askarta inay dib u gurtaan weerarkii 26-kii May ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga howlgalka ATMIS ee degaanka Buulo Mareer ee Shabeellaha Hoose.

“Waa la soo qabtay, waxayna wajihi doonaan eedeymaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Askarteenu waxay muujiyeen adkeysi cajiib ah, dib ayayna isu abaabuleen, taasoo keentay in dib loo qabsado saldhiga,” ayuu Mr Museveni ku yiri hadal uu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay in 54 askari looga dilay weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen degaanka Buulo Mareer.

Madaxweyne Musaveni ayaa todobaadkii hore sheegay inay jiraan khasaarooyin kasoo gaaray ciidamada Uganda weerarkaas, balse ma uusan bixin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan tirada askarta weerarka lagu dilay.

Museveni ayaa hadal uu horay u jeediyay ku sheegay in ciidamada Uganda aysan sidii la rabay u soo bandhigin awooddooda ciidan, taasoo keentay inay Al-shabaab qabsadaan saldhigga, halkaasna ay askar badan ku laayeen.

Al Shabaab ayaa horey u sheegtay inay dileen 137 askari oo Uganda u dhashay, isla markaana ay qabsadeen gaadiid, hub iyo saanad kale oo ku yaalay saldhigga.

SHARE

LEAVE A REPLY