DEG DEG: Qaraxyo xooggan oo goor dhow laga maqlay Muqdisho (Faahfaahin)

0

Qaraxyo xooggan ayaa goor dhow abaare 8:00 fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Jugta qaraxyadan ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana wararka hordhaca ah ay sheegayaan iney ka dhaceen degmada Xamar jajab.

Qaraxyadan ayaa waxaa u dhexeeyey 20 daqiiqo welina lama hayo faahfaahinta qaraxyadan iyo khasaraha ka dhashay.

Khalkhal iyo cabsi fara badan ayaa la soo dersay qaraxyada ka dib shacabka ku dhaqan degmooyinka Xamar jajab iyo Waaberi, gaar ahaan wadada buundooyinka illaa iyo Ceelgaabta, waxaa joogsaday gaadiidka dadweynaha, iyadoo la maqlayo rasaas aan badneyn oo ay ridayaan ciidamada amaanka.

Laamaha amniga ayaa laga soo xigtay in waxa dhacaya ay yihiin qaraxyo dheemish ah balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay iney arkeen qof ku dhaawacmay.

SHARE

LEAVE A REPLY