DEG DEG:- Qaraxyo Ismiidaamin ah ka dhacay degmada Maxaas

0

Qaraxyo xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof & dhaawac tiro kale ayaa saakay ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraa, qaraxyadaan ayaa ahaa kuwa ismiidaamin ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan DG Hir-Shabeelle.

Mid kamid ah labada qarax ayaa ka dhacay Guri uu Maxaas muddooyinkii dambe ka deganaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS balse uu ka maqnaa waqtigii uu weerarkaas dhacayay.

Xildhibaan Jacfar ayaa Maxaas u tegay sidii uu u abaabuli lahaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ gaar ahaan deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud, ciidamo uu la socda ayaa lagu diyaariyay Maxaas si ay uga tallaabaan Soohdinta Gobollada Hiiraan & Galgaduud ay wadaagaan.

Saraakiil katirsan DG Hir-Shabeelle ayaa xaqiijiyay in khasaaraha uu ka badan karo tirada la shaaciyay maadaama goobta qaraxyada Ismiidaaminta ah ka dhaceen ay ku sugnaayeen Dad badan kahor inta uusan weerarku dhicin.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ammaanka durba ay ka jawaabeen iyaga oo billaabay baaris halka kuwa gurmadka ay qaadeen dhaawacyada si loo geeyo Goobaha Caafimaadka.

Degmada Maxaas ayaa ah marin muhiim u ah howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobollada Hiiraan & Galgaduud, waxaa booqday mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ballanqaaday in ay noqon doonto meelaha ugu horreeya ee mashaariicda hormarinta ah laga hirgelinayo.

SHARE

LEAVE A REPLY