DEG DEG:- Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool oo is casilay

0

Guddoomiye Ku xigeenkii dhawaan xukuumada Somaliland u magacowday gobolka Sool ayaa is casilay, xukuumadana wuxu ugu baaqay in ay ciidankeeda kala baxdo gobolka.

Saleebaan Diiriye Cabdi oo madaxweyne Biixi u magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka Sool bilowgii kacdoonka Laascaanood, ayaa sheegay in uu xalka nabadu ku jiro Somaliland oo ciidankeeda la baxda.

“Xalkii Laascaanood kolay xabad ayuu noqday, umada inta hadhay in ay kala badbaado waxa lagu heli karaa ciidamadaas oo Laascaanood lagala baxo” ayuu yidhi Diiriye.

Waxa kale oo uu sheegay in Laascaanood ayna ku dagaalamayn argagixiso lakiin ay dagaalamayaan ciidamada Somaliland iyo dadkii deegaanka, waxa uu sheegay in ciidan beeleedyo iyo ciidamada Somaliland uu dagaalku u dhexeeyo.

Waxa uu sheegay in uu iska casilay xilkii uu u hayay xukuumada Somaliland ee ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, isaga oo masuuliyiinta kale ee deegaanka kasoo jeeda ee xilalka hayana ugu baaqay in ay is casilaan.

Dhinaca kale, maayarka iyo qaar kamid ah golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa iyaguna ku baaqay in ciidamada Somaliland ay ka baxaan gobolka, iyagoo ciidamada ku eedeeyay tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah, taasi oo xukuumadu beenisay.

Wasaarada gaashaandhiga oo sii adkaynaysa sheegashada Somaliland ee ah in kooxo argagixiso ahi joogaan Laascaanood, ayaa tusaale usoo qaadatay mid kamid ah dagaalyahana guddaha magaalada ku jira oo la yidhaa Cabdi Madoobe, kaasi oo ay ku eedaysay in uu yahay Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY