DEG DEG:- Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Walaalkiis oo goordhaw Muqdisho lagu dilay

0

Wararka ka inaga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa sheegaya in koox hubeysan ay maanta barqadii ku dileen halkaasi wiil dhalinyaro ahaa.

C/raxmaan Cumar Abshiroow oo ay walaalo ahaayeen gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka soomaaliya C/llaahi Cumar Abshiroow ayaa la toogtay.

Dableyda falka fulisey ayaa baxsaday kadib dilka waxaana daqiiqado kadib meesha laga qaaday meydka marxuumka.

Ilaa hadda lama oga sababta loo dilay marxuum C/raxmaan Abshiroow iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in aano qabiil loo beegsaday.

SHARE

LEAVE A REPLY