DEG DEG:- Dagaalo Culus ayaa haatan ka socda deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal ee gobolka Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal oo dhinaca Waqooyi bari kaga beegan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan ay deegaanadaasi ka socdaan dagaalo culus oo u dhaxeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo Al-shabaab.

Dagaalada ayaa bilaawday aroornimadii hore ee saakay kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada iskaashanaya ay ku kala leeyihiin deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal, waxaana lasoo warinaya in daryanka hubka dagaalkaasi la isku adeegsanayo laga maqlayo degmada Buuloburte oo qiyaas ahaan deegaanadaasi ay u jiraan in ka badan 30 KM.

Majirto war rasmi ah oo laga haayo khasaaraha ka dhashay dagaaladaan xoogan ee ka socda deegaanada Beerayabaal iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan, maadama uu wali soconaayo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada is garabaanaya iyo kuwa Shabaab ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka deegaanada dhacada dhamaan bariga gobolka Hiiraan.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY