DEG DEG:- Dagaalka ka socda Yasooman oo sii xoogeystay iyo diyaarado dagaal oo ku biiray dagaalka

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo wali ka socda deegaanka Yasoomaan ee gobolka Hiiraan oo aroornimadii hore ee saakay ka bilaawday halkaas, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen deegaankaasi.

Dagaalka ka socda Yasooman oo u dhaxeeya ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kuwa Al-shabaab ayaa daryanka hubka culculus ee la isku adeegsanayo laga maqlaya degmada Buulaburte oo deegaankaasi qiyaas ahaan u jira ilaa 35 KM.

Wararka haatan kuso dhacaya warqabadka Shabakadda HOL ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalka uu haatan soconayo mudo shan saacadood oo xiriir ah, waxaana dagaalka oo marba marka ka dambeyaa sii xoogeysanaayay goordhaw ku biiray diyaarado dagaal oo duqeyn xooggan ku bilaabay goobaha ay ka dagaalamayaan Al-shabaabka soo weeraray Yasooman.

Waxaa sidoo kale lasoo warinaya in ciidamo badan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ay goordhaw gaareen deegaanka Yasooman oo dagaalka culus ka socdo, islamarkaana ay ku biireen dagaalka oo ah mid aad u xoogan.

Lama oga khaaaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan wali ka socda deegaanka Yasooman oo ah mid aad u xoogan, waxaana dowladda Soomaaliya war goordhaw kasoo baxay ay ku sheegtay in dagaalka Yasooman Al-shabaab looga dilay 20 ka mid ah dagaalamayaashooda, islamarkaana la fashiliyay weerarka ay kusoo qaadeen deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay ciidamada baacsi kusii hayaan deegaanadii ay kasoo weerar tageen.

SHARE

LEAVE A REPLY