DEG DEG:- Dagaal lagu dilay 45 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo Caawa ka dhacay deegaanka Yasooman

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay halkaasi ku dileen 45 ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta codka ciidamadda ku hadasha ayaa sheegay in howlgalka uu weli socdo, islamarkaana Al-shabaab laga dilay 45 ka mid ah dagaalyahanadooda oo ay ku jiraan horjoogayaashoodi.

Deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa kamid ah deegaanada Al-shabaab ay ka talin jireen mudo ka badan 10 sano, waxaa wararkii ugu dambeeyay Caawa ay sheegayaan in deegaankaasi ay duqeeyeen diyaarado dagaal, walow aanan si rasmi ah loo ogaan karin khasaaraha ka dhashah duqeymahaasi.

La soco wixii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY