DEG DEG:- Dagaal culus oo goordhaw ka bilaawday gobolka Hiiraan

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanka Jiciboow oo qiyaas ahaan 30 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan Buulaburte, halkaas oo mudooyinkii dambe fariisin u aheyd Al-shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo sheegaya inuu yahay mid aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga khasaraaha ka dhashay dagaalka haatan socda, hayeshee dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac oo aysan ogaan karin inta uu gaarsiisan yahay maadama wali uu dagaalka ka socdo gudaha deegaanka Jiciboow.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa mudooyinkii dambe gobolka Hiiraan kula dagaalamayay Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka, waxaana bilahii lasoo dhaafay ciidamada iskaashanaya ay Al-shabaab kala wareegeen inta badan deegaanadii ay horay uga talin jireen.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

SHARE

LEAVE A REPLY