DEG DEG:- Ciidanka dowladda oo la wareegay degmada Ceelbuur

0

Ciidanka Huwanta ah ee Dowladda Federaalka iyo kuwo dadka degaanka ayaa goordhaweyd gacanta ku dhigay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, taasi oo dhawaanhaan uu socday dagaalka lagula wareegayo Degmadaasi muhiimka ah.

Wararka naga soo gaaraya halkaasi ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa dadka degaanka eel aga soo uruuriyay Gobalka ay gaareen xaafadaha Magaaladaasi.

Wararka ayaa intaas ku daraya in saaladda Jumcaha kadib ay gaareen Magaalada,w axaana ka hor inta aysan halkaasi tagin ay l akulmeen dagaallo aan badnayn, waxaana hadda socda isku fidinta  Magaalada.

Magaalada dagaal xooggan kama dhicin sida wararku sheegayaan, waxaana  jira miinooyin aad u farabadan oo dagaalamayaasha AL-Shabaab ay ku aaseen magaalada iyo hareeraheeda.

Saraakiisha Ciidanka iyo madaxda sare wali ma hadlin, waxaana la filayaa in bulshada ay la wadaagaan halka uu marayo howgalka iyo la wareegistooda Ceelbuur.

SHARE

LEAVE A REPLY