DEG DEG:- Ciidamada Huwanta oo goordhaw la wareegay degmada Aadan Yabaal

0

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa goordhaw gudaha u galay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Mid ka mid saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka iskaashanaya ay gudaha u galeen degmada Aadan Yabaal, islamarkaana ay haatan ku howlan yihiin miino baaris.

Ciidankaan gudaha u galay Aadan Yabaal ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kaabiga ku hayey degmadan oo ugu dambeyn goordhaw ay si buuxda ay ula wareegeen iyagoo wax dagaal ah aysan la kulmin, waxaana degmadaani gacanta kooxda Al-shabaab ay ku jirtay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Degmadaan Aadan Yabaal ayaa Al-shabaab u aheyd degmo istaraatiiji ah oo ay isaga kala gooshi jireen gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxayna ka dhigan tahay degmadaan Shabaab lagala wareegay guul hor leh oo usoo hoyatay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee mudooyinkii dambe Shabaab kula dagaalamaayay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY