DEG DEG:- Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano badan oo hoostaga gobolka Baay

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay waxaana ay kula wareegeen deegaano kala ah Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame. Karanoy iyo Daawuudow.

Deeganadaan ayaa dhammaan hoos taga deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana howlka sameeyay ciidanka xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ayaga oo jab culus gaarsiiyay maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al shabaab.

Ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa sido kale howlgal ka sameeyey inta u dhaxeysa degmooyinka Berdaale iyo Qasaxdheere oo Alshabaab looga saarey deegaano badan.

Maalmahii lasoo dhaafay waxaa si weyn u xoogeystay dagaalada ka dhanka Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kasoo bilawday gobolka Hiiraan

SHARE

LEAVE A REPLY