DEG DEG:- Ciidamada Dowladda oo Caawa La Wareegay deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan

0

Ciidamada xoogga dalka ee howlgalada dib u xorrynta ah ka wada deegaannada gobolka Hiiraan ayaa si rasmi ah ula wareegay Degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan.

Xoreynta Degmada Buq Aqable ayaa ka dhigan in kooxda Shabaab gacantooda kabaxday magaalo weyn oo muhiim u aheyd jiritaan Al-shabaab.

Faahfaahin dheeraad ayaa ka soo baxday guushii ay ciidamada xoogga dalka ka gaareen dib u xoreynta Deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Taliye ku-xigeenka Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS G/le Xasan Maxamed Cismaan, Ciidanka xogga dalka ayaa halkaasi ku dilay 11 dhagarqabe oo ka tirsan Cadowga.

Deegaanka Buq-aqqble ayaa qiyaastii dhanka galbeed 40-km u jirta Degmadda Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.

SHARE

LEAVE A REPLY