DEG DEG:- Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo la wareegay deegaanka Yasooman

0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maanta deegaankaasi ay dib ula wareegeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Yasooman saacadahii lasoo dhaafay ayaa markale isaga baxay deegaanka iyagoo aanan wax dagaal ah kala hortagin ciidamada iskaashanaya oo deegaankaasi maalin ka hor isaga baxay Al-shabaabna ay dib u soo galeen deegaankaas.

Deegaanka Yasooman ayaa la sheegay inuu yahay deegaan muhiim u ah isku socodka deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan oo leh afar wado oo u kala gooshta dhamaan deegaanada bari ee gobolka Hiiraan.

Warar kale oo kusoo dhacaya warqabadka HOL ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Macwiisleeyda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay haatan kaabiga ku hayaan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan oo Al-shabaab sidoo kale maalin ka hor ay gudaha u galeen degmadaasi, kadib markii ciidamada iskaashanaya uga baxeen degmadaasi khilaaf soo kala dhex galay hogaanka ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka, hayeeshee waxaa la sheegay in khilaafkaasi haatan xal laga gaaray.

SHARE

LEAVE A REPLY