DEG DEG:- Al-shabaab oo ka dhex dagaalameysa hotel ku yaal Liido

0

Jugta qarax xooggan ayaa dhowr daqiiqo kahor laga maqlay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, qaraxa kadib ayaa waxaa sidoo kale la maqlay rasaas xoog leh oo isku daba dhacday.

Weerar loo adeegsaday qaraxyo Is-miidaamin ah ayaa la tilmaamay in lagu qaaday Hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido, isla markaana waxaa gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo haatan ka dhex dagaalamaya hotelka.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gebi ahaan isku gadaamay aaga uu weerarka ka socdo, xaaladda ayaa lasoo warinayaa inay tahay mid kacsan.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa kusii qul-qulaya goobta, weli lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka ka socda Hotelka  Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY